Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in goor dhow Bam gacmeed lagu weeraray xarunta maxkamadda Darajada Koowaad ee magaaladaasi.
Inta la xaqiijiyey Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi, iyadoo la sheegay iney baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarkaasi, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.
Xilliga qaraxan uu dhacayey ayaa la sheegay in xarunta maxkamadda ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana la sheegayaa maanta si caadi ah ay u socotey shaqadii maxkamadda.




From the comments