Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigey doon kalluumeysi oo la sheegay iney la socdeen shaqaale ajaaniib ah, kuwaasi oo ku eedeysan in ay waxyeello u geysteen kalluumeysato Soomaaliyeed.
Doonidan oo ay la socdeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Yemen ayaa lagu qabtey xeebta degmada Eyl, kadib markii habeen kahor la tilmaamay iney dulmartay doonidaasi Laash yar oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kalluumeysato ah, ayna la socdeen Labo ruux.
Mid kamid ah kalluumeysatidii saarnaa Laashkaasi ayaa la la yahay halka midka kalena dhaawac.




From the comments