Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad uu la socday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo wafdi caalami ah oo uu hoggaaminayey.
Mr. Guterres oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa kahor inta aanu u duulin magaalada Baydhabo waxa uu la kulmay madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo arrimo badan ay ka wada hadleen.
Arrimaha ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres waxaa kamid ah, arrimaha abaaraha, cafimaadka, ammaanka, dib u dhiska dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.




From the comments