Dowladda Nigeria ayaa waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Maraykanka, ka dib markii loo diiday muwaadiniin badan oo u dhashay Nigeria oo wata Fiisaha dal ku galka inay galaan Maraykanka.
Dowladda Nigeria kama mid aha dowladihii loo diiday muwaadiniintooda inay galaan Maraykanka kuwaas oo ahaa todobo dowladood oo u badan muslimiin.
Xoghaya gaarka ah ee arrimaha dibadda madaxweynaha Nigeria ayaa waxa uu sheegay in muwaadiniin badan oo reer Nigeria ah kuwass oo wata fiisaha dal ku galka loo diiday inay galaan Maraykanka, waxa uu intaas ku daray in madaxda Maraykanka ay dadkaas ka tuureen fiisahoodii lagana soo celiyay garoomada Maraykanka.




From the comments