Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Xoghayaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan isla garoonka Aadan Cadde, waxaana ay ka wada hadli doonaa arrimo badan.
Antonio Guterres, ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in safarkiisa degdegga ah ee dalka ku yimid tahay sidii u ugu kuur geli lahaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan midda abaareed.




From the comments