Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jarmalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, xiriirka labada dal iyo arrimo kale ayaa laga hadlay.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale kala hadlay Ambassador Jutta Frasch abaaraha dalka ka jira iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda Jermalka gacan ka geysato gurmadka dadka ay aafeeyeen abaaraha.
Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.




From the comments