Maamulka K/galbeed ayaa ku amray ganacsatada gobolka Baay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isku diiwaangeliyaan si loo helo isla xisaabtan dhab ah.
Xasan Ibraahim Dheg-buur, wasiirka maaliyadda maamulka K/galbeed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in gacanacsatada looga baahan yahay in ugu dambeyn is soo diiwaangeliyaan 15-ka bishan Maarso illaa 1-da bisha April.
Waxa uu sheegay wasiirka in la bilaabayo qaadista canshuuraha si bulshada K/galbeed waxa loogu qabto, loona baahan yahay cid walbo oo canshuur ku waajibtay iney iska diiwaangeliso bankiga Baydhabo oo diiwaangelinta ka socoto.




From the comments