Dadweynaha ayaa si weyn uga dhursugaya golaha wasiiradiisa cusub ee Ra’iisul wasaraha waxaana dadku badi isweydiinayaan xukuumaddu mid noocee ah ayay noqon doontaa.
Soomaaliya, waxaa ka jira dhibaatooyin badan marka laga yimaado colaaddana waxaa sii dheer Gaajo, caafimaad darro iyo abaaro dadka iyo duunyada ku halakeeyay gobollo badan oo dalkayaga ah.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo wada kulamdii u dambeeyay iyo la tashiyo la xiriira soo magacaabista golihiisa wasiirrada ayaa looga fadhiyaa xukuumad ka duwan kuwii hore lana timaada waxqabad iyo isbedal dhab ah.
Haddaba, Xukuumad ceynkee ah ayuu dalka u baahan yahay su’aashaas iyo kuwa kale waxaan weydiinnay Diplumasi Maxamed Maxamuud oo arrimaha siyaasadda dalka wax ka qora.
Caalim waxa uu sheegay in loo baahan yahay xukuumad dalka isbedal dhab ah gelisa, islamarkaana dalka iyo dadka ka saarta marxaladda xilligaan uu ku jiro.
From the comments