Ciidamada Kenya Oo Qabtay Dad Lagu Tuhunsanyahay Al-shabaab

Booliska dalka Kenya ayaa waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 6 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsanyihiin xarada Al-shabaab .
Booliska ayaa waxay sheegeen inay xireen lixdaan qof ayna ku xireen gobolka xeebta dalka Kenya, unug gaar ah oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa ugu dhacday guryahooda soona xiray .
Lixdaan qof ayaa dambi baarista waxay ku eedeysay inay dhaqaalo ay ku taageerayeen xarakada Al-shabaab sida ay sheegeen booliska Kenya.
Sidoo kale Lixdaan qof ayaa waxay sheegeen booliska inay ku soo qabteen agabyo ay ka midyihiin Computer-o iyo taleefanno ay isticmaalayeen.
Taliyaha ciidanka booliska Dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay dadkaan la baari doono xiriirka kala dhaxeeya xarakada Al-shabaab, taliyaha ayaa waxa uu intaas ku daray in baarista ay wadaan dad taqasus u leh dembi baarista.
Booliska ayaa eedeysanayaashaan ku eedeeyay inay ka mid yihiin unugyo dagaalyahannada u qora sida ay ugu biiri la haayeen xarakada Al-shabaab.
Eedeysanayaasha ayaa waxay sheegeen booliska inay ku jirto haweyney gabdhaha yar yar u sahlaysay inay u safraan Soomaaliya ayna ku biiraan Al-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay inay ku jirto heegan aad u sarreeya iyadoo ka foo jigan suurto galnimada qaraxyo ay Al-shabaab ay ka geestaan waddankeeda.
W/Q: Jaamac Shidane