Dalka Itoobiya, ugu yaraan waxaa ku dhimatay 50 qof, waxaana la la’yahay Tobaneeyo kale kadib markii ay soo dumeen dhismooyin waaweyn oo ku yaalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Dhismahaan ayaa marka uu soo dumayay waxaa ku hoos jiray dad gaaraya ku dhawaad 150 qof oo ahaa dadkii ku sugnaa meesha.
Suleymaan Cabddullaahi oo ka mid ahaa dadka deggan goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in dhismaha uu ahaa dhismooyin muddo dhisnaa oo aad ay u liito tayadooda, waxaana la aaminsanyahay in ay dhismaha hoostiisa ay ku jiraan wali dad.




From the comments