Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in maalintaTalaadada ah ee soo socota ay tahay Maalinta Alle-bariga iyo Roob-doonta.
Madaxweynaha ayaa baaqan jeediyay keddib markii uu kulama dhawr ah la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo Culumada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay laabta isu furaan si Eebe uga dulqaado colaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay Alle bari iyo roob doon isugu soo baxaan maalinta Talaadada ah, 14ka Maarso, 2017, keddibna ay is cafiyaan, oo ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.”
Madaxweynaha ayaa ka codsaday ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ku baaba’aya abaaraha ka jira dalka.




From the comments