Wararka naga soo gaaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah kaasi oo khasaare geystay.
Qof Ismiidaamiye ah oo watey sida la sheegay gaari nooca Soomaalida u taqaan Caasi ayaa isku qarxiyey ilinka hore warashaddii hore ee Nacnaca, degmada Wadajir oo ay ku xareesan yihiin ciidamo Milatari ah.
Goob jooge ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News, in halkaasi uu ku dhintey qofkii is qarxiyey, ayna ku dhaawacmeen Saddex qof oo halkaasi ka dhowaa, walow khasaaraha uu intaan ka badan karo.




From the comments