Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa sheegay in maxkamad la soo taago madaxa ururka kubadda cagta ee qaaradda Afrika oo loo yaqaano Caf Ciisa Xayaato iyo xoghaya guud ee ururka Hishaam Al-cimaari, kuwaas oo xeer ilaaliyaha uu faray in la soo taago maxkamad dhanka dhaqaalaha ah, ka dib markii lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga tartanka ciyaaraha waddanka Masar oo ah in tabinta horyaalada qaaradda ay siiyeen shirkad gaar ah.
Kooxda ilaalinta iyo kormeerka tartamada Masar ayaa waxay sheegtay in Ciise Xayaatoo uu siiyay shirkadda Lagardère Sports tabinta horyaalada qaaradda Africa muddo dhan 20 sano xiriir ah.
Dhanka kale hadal ka soo baxay midowga Africa ee ciyaaraha oo xaruntiisa ay tahay magaalada Qaahira ee caasimadda waddanka Masar ayaa waxa uu sheegay in wax isdaba marinta iyo eedeymaha loo soo jeediyay ururka ay tahay been abuur, isagoo ku tilmaamay in warbaahinta qaar ay sameeyeen dacaayado waxba kama jiraan ah.




From the comments