Ciidamada badda ee midowga Yurub ayaa sheegay in ay diyaarado u direen si loo baaro wararka sheegaya in markab ganacsi ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya.
Afyaheen u hadashay midowga Yurub ayaa sheegtay in diyaarad ku sii jeedo goobta uu afduubka ka dhacay iyada oo intaa raacisay in aaney sheegi Karin in arrinta burcad badeenimo la xiriirto in kale.
Markabkan oo uu ka dulbabanayey calanka dalka Sri Lanka ayaan la ogeyn in uu shidaal u soo wadey Soomaaliya iyo in uu qaab kale u socday.




From the comments