Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyey Labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.
Keating ayaa sheegay in qaraxyadan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho xilli shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan midnimo oo aysan dooneyn qalalaasyo ama falal amni darro.
Wuxuu sheegay Michael Keating inuu tacsi u dirayo dhammaan ehlada dadkii shalay ku geeriyoodey qaraxyadaasi, isaga oo caafimaad u rajeeyey dadkii qaraxyaadi ku dhaawacmay.




From the comments