Somaliland: Hoteelada Oo Laga Mamnuucay Shirarka Looga Hadlayo Maalgashiga
Sheeko:Dalka
Wareegto kasoo baxday maamulka Somaliland ayaa lagu Hoteellada ku yaalla deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo waxaa looga mamnuucay in lagu qabto shirarka sida gaarka ah looga hadlayo arrinta ku aadan maalgashida deegaannada maamulkaasi.
Qoraalkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa la sheegay in gabi ahaanba milkiilayaasha hoteellada Somaliland lala socodsiinayo in hoteelladooda aan lagu qaban Karin shirarkaasi.
Shirarkan ayaa lagu sheegay iney yihiin kuwo lagu kicinayo shacabka, waxana u dhimanaya nabadda Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jirey shirar isdaba jog ah oo looga hadlayey arrinta ku aadan heshiiskii Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka.
Halkaan hoose ka akhriso wareegtada
Goobjoog News