Burcad badeedda Soomaalida ayaa la sheegayaa in ay lacag madax furasho ah ka dalbadeen markab ay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya.
Ciimada Badda ee midowga Yurub oo diyaarad ay ka soo qaateen dalka Djabuti ku raadinayey markabka ayaa sheegay in ay ku guul-dareysteen helintaanka goobta uu markabka yaallo ama xitaa in ay xiriir la sameeyaan.
Afhayeen u hadlay kooxda midowga Yurub ayaa sheegaya in aan markabka iyo dadka saaran xaaladdooda war laga heyn isagoo intaa raaciyay in burcadda ay dalbadeen madax furasho sida uu horay u sheegay milkiilaha markabka.




From the comments