Kooxdii qafaalatay markabka shidaal ee ku sugan degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa waxay ku hanjabeen iney sii wadi doonaan qafaalka ay ku hayaan maraakiibta kadib markii ay sheegeen in dhibaato loo geystay doonyo ay ku kalluumeysan jireen.
Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ahaayeen kalluumeysato, balse ay dhibaato ku qabeen doonyo laga leeyahay Yemen iyo Iiraan, balse markii dambe ay yimaadeen maraakiib waaweyn oo xaalufinaya kalluunka ayna go’aan ku gaareen iney maraakiibta qafaashaan, kuwo kalena ay qafaalan doonaan.
“Kalluumeysato baan ahayn, Iraani iyo waxyaabo noocaas ah baan qaati ka taagneyn, kalluunkii waaweynaa ee aan ka kalluumeysan jirnay inteynu iska deynay baa markii dambe waxaa inoo soo haray bahal la yiraahdo Indho buur oo shirkadaha ku shaqeeyaan oo la dhigo dhowr iyo Toban Mayl, hadane intaasi baan ku baxsan weynnnay, maraakiib waa weyn oo 50-meeyo ah baa nalagu soo daayay, wax walbo oo ay gurteen waxaan ka dhalaalineynaa markabkaan aan haysanno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ragga qafaashay markabka.




From the comments