Warbixin ay soo saareen koox baarayaal ah oo dhanka caafimaadka ah ayaa waxay sheegeen in ku dhawaad 800 qof oo ka shaqeynaayay dhanka caafimaadka lagu dilay waddanka Syria, dadkaan ayaa siyaabooyin kala duwan loo beegsaday, iyagoo qaarkood ay ku dhinteen qaraxyo lala beegsaday Ispitaalada, halka kuwa kalana toos loo dilay sidoo kale dowladda Syria ayaa gabood falkaan qeyb ku leh.
Warbixintaan ayaa waxaa lagu sheegay in dadka ka shaqeeya dhanka caafimaadka ay qaarkood ay la kulmeen xabsi, dil iyo beegsiyo si ula kac ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in ku dhawaad 15 kun oo dhaqtar oo u dhiganta kala bar dhaqaatiirtii joogi jirtay Syria dagaalka ka hor inay ka carareen waddanka, taasoo keentay in boqolaal kun oo shacaba ah ay waayaan inay helaan daryeel caafimaad oo asaasiya.




From the comments