Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho yimid wasiirka arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson, waxaana wasiirka la socda wafdi heer sare ah.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey wasiirka, waxaana la filayaa in uu goor dhow la kulmo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa la sheegayaa in Muqdisho u yimid arrimo la xiriira abaarta dalka ka jirta iyo sidoo kale shir la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London, kaasi oo arrimaha Soomaaliya looga hadli doono.




From the comments