Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in deegaannada maamul goboleedyada dalka ka hirgelin doona mashaariic la xiriirta arrimaha amniga, abaaraha, sidaa waxaa lagu sheegay kulan arbacadii dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska iyo qaar ka tirsan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu deegaannadaas ka caawin doono sidii looga horumarin lahaa dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed Iyo Jubbaland ayaa iyagana dhankooda soo dhaweeyay sida Ingiriiska mar walbo u taageeraan Soomaaliya, iyaga oo dalbaday in laga gacansiiyo dhisida iyo xoojinta hey’adaha maamulka, horumarinta deegaannooda xagga Amniga, Abaaraha, iyo baahiyaha, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday is fahan iyo afgarasho.




From the comments