Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay iney ka dartay biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaankaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhow.
Guddoomiyaha deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad u adag tahay helitaanka biyo ay dadka cabaan, iyadoo sidoo kale ay intaasi dheertahay saameynta abaarta.
Dadka qaar ayuu sheegay in biyaha ay ka helaan meelo fog, mararka qaarna loo keeno biyo aan nadiif ahayn.




From the comments