Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki, oo maanta yimid magaalada Muqdisho.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah arrimaha ku aadan abaarta dalka ka jirta iyo sidoo loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Sidoo kale Muuse Faki ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana isna ay ka wada hadleen arrimaha gurmadka abaaraha, la dagaalanka Al-shabaab iyo arrimo kale.




From the comments