Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-mukarrama iyo kuwo kale oo ku dhow wadadaasi.
Waxaa la arkayaa gaadiidka dagaalka oo lagu jaray qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama, waxaana loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.
Shacabka isticmaalaya wadadaasi ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya, iyadoo illaa iyo haatan aan la ogeyn ulajeedka wadadan loo xiray.




From the comments