Taliyaha Ciidanka Boliiska Maamulka koofur Galbeed ayaa ka hadlayay dagaal ay kula galeen Xarakada Al-shabab inta u dhexeysa demooyinka Baydhabo iyo Qansax dheer ee koonfur galbeed.
Mas’uuliyiin ka trisan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ugu horreeyo wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ahna ku xigeenka wasiirka amniga Xasan Xuseen Heelo iyo la taliyaha ciidanka boolsika Koofur Galbeed Cabdulle Isaaq ayaa waxay hawlgallo ka sameeyeen inta u dhaxaysa degmada Baydho iyo Qansax dheere ee gobolka Bay.
Waddada isku xirta magaalada Baydhabo iyo Qansaxdheere ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Xarada Al-shabaab, waxaana ku dhimatay 7 Askari oo ka tirsan Alshabaab, saddex kalana lagu qabtay nolol, halka ciidamada dowladda Soomaaliya ay uga dhaawacantay dagaalkaas 3 askari sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska gaarka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulle Isaaq.




From the comments