Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay 7 qof ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka, iyadoo tiro intaa ka badanna ay cudurkaasi la jiifaan.
Dadka dhintey 4 kamid ah ayaa naloo xaqiijiyey iney yihiin carruur, waxaana cudurkaan uu degmadaasi ka dilaacay 21-ka bishii hore ee February.
Dr. Adan C/qaadir Shire oo ah Maamulaha Isbitaalka Garbahaarey oo la hadlayey Goobjoog News, ayaa sheegay in Cudurkan tan iyo intii uu ka dilaacay deegaanka maalin weliba isbitaalka in ay soo gaaraan bukaano tiradoodu ay u dhaxeyso 25 ilaa 20 , waxaana laga kala keenayaa sida uu sheegay Xeryaha barakacayaasha ,tuullooyinka iyo baadiyaha, isagoo sheegayna cudurkan inuu ka dhashey abaaraha, isku soo guurka barakaca, Biyo yaraanta Ceelasha, isbedalka Biyaha iyo nadaafad darida ka taagan deegaanka.




From the comments