Warar ay Goobjoog News ka heshay golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maanta lagu wado in xarunta golaha shacabka uu ka dhaco kulan albaabada u xiran yihiin oo ay ku wada hadlayaan xildhibaannada golaha shacabka.
Qaar ka tirsan Xildhibaannada oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegayaan in kulan loogu magac daray “Lafo jibis” taas oo si toos ah ay Xildhibaannada iyo guddoonkooda su’aalo isku weydiin doonaan, isla markaana ka wada hadli doonaan murannada u dhaxeeya iyo sidii lagu xallin lahaa.
Kulankan waxaa uu imaanayaa maalmo kadib markii guddoonka golaha shacabka lagu eedeeyay in uu faragelin ku haayo laanta fulinta, qeyb ka yahay xulista xukuumadda soo socota iyo in uu baajiyo kulamada golaha shacabka.




From the comments