Atooraha Hollywood-ka Ben Stiller iyo koox asxaabtiisa ah ayaa wado qorshe ku aruurinayaan illaa 2 Milyan oo Dollar si loo caawiyo dadka ay abaarta ku saameysay gudaha Soomaaliya.
Ben Stiller ayaa hindisahan waxaa uu sidoo kale doonayaa in ay ku soo biraan dad caan ah oo ay ka mid yihiin Lewis Hamilton, Emma Watson iyo Carla Delevingne, ujeedaduna waa in la taageero Love Army for Somalia, oo hadda ururisay lacag dhan $1.9 million, lacagtaasi waxaa bixiyay in ka badan 68 kun oo qof oo caalamka kala jooga.
Kooxdan waxaa ay ugu horreyn ka codsadeem diyaaradda Turkish Airlines in ay gargaarka u soo qaado Soomaaliya iyaga oo cod ay duubeen Vine iyo Snapchat-ka ninka lagu bartay ee Jerome Jarre, la gaarsiiyay shirkadda, tiiyo ay maamulka diyaaradda aqbaleen, waxaa isla markiiba lacag bixiyay dad magac leh oo ay ku jiraan Colin Kaepernick, Wilson Chandler, Casey Niestat iyo Calvin Harris.




From the comments