Aqoonyahan Caalim: Shaqooyin Adag Baa Horyaalla Xukuumadda Cusub
Shalay iyadoo lagu dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya oo weli codka kalsoonida aan ka helin baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan waxaa uga hadlay magacaabista wasiiradan siyaasiyiinta, masuuliyiin iyo dadka waxgalka ah ee bulshada rayidka.
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay jiraan caqabado kala duwan oo heysta xilligani xukuumadda cusub.
“Marka hore xukuumadda uu soo magacaabay Raysal wasaare Kheyre waxaan leeyahay Ilaahey ha u fududeeyo howsha, madaxdana shacabka waa inay u naxariistaan, midda kale waa ciidanku iyo shaqaalaha ay helaan mushaaraadkooda” ayuu yiri Diblumaasi Maxamed Maxamuud.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay dowladaha deriska ee Kenya iyo Itoobiya oo uu ku eedeeyay in ay saameyn faragelin ku lahaayeen xukuumadihii hore, xukuumaddan cusubna ay uga badbaadi karto iyadoo Soomaalida la shaqeysa dowladahaasi laga ilaaliyo xafiisyada dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments