In ka badan 15 qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa la dhigay Ispitaal ku yaallo degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, dadkaan uu soo ritay cudurkaan ayaa badankood waxaa laga keenay degmooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan magaalada Caabudwaaq.
Qaar ka mida dadkaan ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Cibaado ee ku yaallo magaalda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Dr Gaas oo ka mida hawlwadeenada Isbitaalka Cibaado oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay dadka la soo gaarsiiyay iyo sida ay ula tacaaleen,isagoo xusay in Ispitaalka uusan awood u lahayn in uu qabto dad kale oo intaan ka badan “Waxaan qabaynay dad gaaraya 19 qof, oo ubadan caruur, dadka waxay jiifaan ispitaalka”.




From the comments