Faah faahin dheerad ah ayaa laga helayaa Booyad shidaal oo maanta si iskeed ah ugu qaraxday degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyey Labo qof oo mid kamid ah gaarigan booyadda ah saarnaa ayaa ku dhaawacmay qaraxan ay sameysay Booyadda, iyadoo lagu daweynayo dadkaan Isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho.
Booyadda ayaa markii ay qarxaysay waxay mareysay sida la sheegay meel ku dhow Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay in Booyadan shidaal ay si iskeed ah u qaraxdo.




From the comments