Goobjoog

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii London Oo Sii Kordhay

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay xarunta baarlamaanka UK ee magaalada London, waxaana ku dhimatay 5 qof oo uu ku jiro qofkii weerarka soo qaaday sidoo kale waxaa…

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii London Oo Sii Kordhay
Injured people are assisted after an incident on Westminster Bridge in London, March 22, 2017. REUTERS/Toby Melville

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay xarunta baarlamaanka UK ee magaalada London, waxaana ku dhimatay 5 qof oo uu ku jiro qofkii weerarka soo qaaday sidoo kale waxaa ku dhaawacantay 40 kale.

Weerarkaan ayaa waxaa cambaareeyay Ra’iisul wasaaraha waddanka Uk Theresa Mary May  waxayna ku tilmaantay weerar argagixiso, booliska UK ayaa waxay sheegeen in ninka weerarka geestay la aqoonsaday.

Weerarka ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli ay ku jireen xarunta baarlamaanka UK, waxayna lahaayeen kulankooda Todobaadlaha ah.

Dhanka kale mas’uuliyiin u dhalatay waddanka Faransiiska ayaa waxay sheegeen in Saddex arday oo u dhalatay waddanka Faransiiska uu dhaawacyo uu ka soo gaaray weerarkaan, sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Kuuriyada Koonfureed ayaa iyadana waxay sheegtay shan qof oo muwaadiniin Kuuriyaan ay dhaawacyo soo gaareen.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments