U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Eyl “Doon Lagu Afduubtay Degmada Ma Jirto”

Sheeko:Dalka

Maamulka demada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay doon kalluumeysi oo la sheegay in maalintii shalay ahayd ay qafaasheen kooxo burcad badeed ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Muuse Cismaan Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in degmadaasi iyo nawaaxigeeda aanu wax afduub ah ka dhicin.

Waxa uu sheegay iney maqleen in arrintaasi ay ka akhristeen oo kaliya warbaahinta Internetka, islamarkaana meel walbo markii ay la xiriireen ay xaqiijinayaan in doon aan la afduuban.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xeebta degmada Eyl iyo nawaaxigeeda ay ka howlgalaan ciidamada badda ee maamulka Puntland, sidaasi darteedna aysan suuragal ahayn in afduubkaasi uu dhaco.

“Warkaa ma hayno website-yada baan ku aragnay, meelaha la sheegayey waan la xiriirnay waxna kama jiro warkaasi, waxaan idiin xaqiijinayaa in degmada Eyl iyo deegaannada hoostaga aan wax doon ah lagu afduuban laakiinse deegaanku waa uu weyn yahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Warar soo baxay shalay oo Jimco ahayd ayaa sheegayey in koox burcad badeed ah ay qafaasheen  doon kalluumeysi oo illaa hadda dalka laga leeyahay aan la shaacin.

Goobjoog News