Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, nabadgalyada iyo horumarinta Soomaaliya.
Labada madaxweyne oo ku kulmay Hoteelka uu shirka IGAD ka socdo ee Villa Rosa Kempisky ayaa waxaa ay halkaasi ka soo jeediyeen hadallo gaaban.
“Waxaan kugu hambalyeynaa labo arrin: waa mar horee guushii dhawwaan laguu doortay madaxweynaha Soomaaliya iyo sida aad u dhageystay xikmadda oday aan dooneyn in Soomaaliya uu cuuriyaamiyo” sidaasi waxaa yiri Museveni




From the comments