Sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa guddoomiyahooda Maxamed Cabdullahi Jawaari u gudbiyay cabasho ay ka qabaan qaab dhismeedka xukuumadda cusub.
Mudane Jawaari ayaa la sheegayaa in uu qoraal u diray ra’isul wasaare Xasan Khayre isaga oo ku wargeliyay cabashada ay qabaan Xildhibaannada golaha shacabka.
Xildhibaan Dhalxa waxaa uu sheegayaa in ra’isul wasaaraha uu xaq u leeyahay in uu iska dhago tiro talo soo jeedinta Jawaari isla markaana isaga iyo xukuumaddiisa ay hor yimaadaan golaha shacabka, kuna nasiib sado in uu kalsooni heli karo iyo in kale.




From the comments