Rag hubeysan ayaa siyaabo kala duwan waxa ay Labo ruux ugu dileen degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Fiidkii xalay ayaa waxaa degmadaasi lagu dilay shaqsi magaciisa lagu sheegay Jaamaca Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, walibana aad loo garanayo, waxaana dilay rag ku hubeysan Bistoolado, kuwaa oo goobta ka baxsaday dilka kadib.
Sidoo kale saacado kahor dilkaasi waxaa isla magaalada Laascaanood lagu dilay shaqsi kale oo isna magaciisa lagu sheegay C/xakiin Ducaale, waxaana halkaasi ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.




From the comments