Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaankaasi ee ka maqan magaalada Cadaado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku gaaraan magaaladaasi.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha maadaama ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha Galmudug, in dhammaan xildhibaannada laga doonayo iney ka qeybqaataan doorashadaasi, ayna soo gaaraan Cadaado
“Waxaan halkaan ugu baaqayaa xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug wixii maqan in si degdeg ah kusoo xaroodaan, si ay uga qeybgalaan doorashada dhici doonta 10-ka bishan April” ayuu yiri guddoomiye Casir.




From the comments