Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa si kulul waxay uga hadashay Soomaalidii 16-kii bishan March 2017, lagu laayey badda Yemen.
Sara Liya Waytsin, oo ah agaasimaha bariga dhexe ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa mid aad looga argagaxo kana dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana ay sheegtay in muhiim ay tahay in lala xisaabtamo Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.
Waxa ay tilmaantay in loo baahan yahay in si weyn loogala xisaabtamo arrintan dowladda Sacuudiga, maadaama ay soo bateen kiisaska ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Yemen.




From the comments