Idaacadda waxbarashada dalka ee Maandeeq FM oo qayb ka ah Goobjoog Media Group ayaa waxay bilowday olole waxbarasho kaasi oo wax lagu baraayo caruurta aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka waxbarashada.
Idaacadda Maandeeq ayaa waxaa ololahaan la fulinaayo sagaal urur oo ku midaysan dhanka waxbarashada, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijaan waxayna kala yihiin .
- Ururka waxbarashada iyo wacyigalinta Garaad.
- Ururka wadaniga Aragtida Cusub .
- Ururka Yosma.
- Ururka Jamciyadda Duyuuru Al-qur’aan.
- Ururka Naadiga Af Soomaaliga.
- Ururka Dalkas.
- Ururka Midnimada Ardayda Soomaaliyeed.
- Ururka Midowga Horumarinta Dhalinyarada Galweyn.
Ololahaan ayaa la magac baxay ololaha “Bar ama Baro” kaasi oo loogu talo galay inay ka faa’ideestaan caruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah iyo kuwa qgoonta ah, barnaamijakaan ayaa Idaacadda iyo ururadaan waxa kala qeyb qaadanaya Iskuullo ay midyihiin .







































From the comments