Madaxweyne Farmaajo Oo Arbacada Ka Qeyb Galaya Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta
Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Faraamjo ayaa lagu wadaa in arbacada soo socota uu ka qeyb galo shir madaxdeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya dalka Urdun.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Lubnaan Michel Caown ayaa ka qeyb galaya shirka Carabta markii ugu horreysay, 16 dowladood oo Carab ah ayey madaxdooda goobta tagi doonaan halka ay maqnaan doonaan 6 dal madaxdooda.
Madaxda Shirka Tagi Doonta:
- Madaxweynaha Urudun: Boqor Cabdalla
- Madaxweynaha Soomaaliya: Maxamed Cabdullahi Farmaajo
- Boqorka Sacuudiga: Salmaan Bin Cabdi Casis
- Boqorka Marooko: Maxamed 6aad
- Boqorka Baxreyn: Xamad Bin Ciisa
- Amiirka Qatar: Sheekh Tamiim
- Amiirka Kuwait: Sheekh Sabaax Axmed
- Madaxweynaha Masar: Cabdifitax Sisi
- Madaxweynta Tunis: Baaji Qaa’id Sisi
- Madaxweynaha Falastiin: Maxamud Cabaas
- Madaxweynaha Lubnaan: Michel Caown
- Madaxweynaha Djabuti: Ismaciil Cumar Geelle
- Madaxweynaha Yemen: Cabdi Mansuur Haadi
- Madaxwynaha Suudaan: Cumar Xasan Al-bashiir
- Madaxweynaha Muritania: Maxamed Walada Cabdi Caziz
- Madaxweynaha Comoros: Gazali Cusmaan
Madaxda Shirka Ka Maqnaan Doonta:
- Suldaan Cummaan: Qaabuus Bin Saciid
- Madaxweynaha Aljeeria: Cabdi Caziz Butafliiqa
- Madaxweynaha Imaaraadka: Sheekh Khaliifa Bin Za’id
- Madaxweynaha Ciraaq: Fu’aad Macsuum
- Dalka Libya: Waa Dowlad La’aan
- Dalka Suuriyana Waxaa Laga Laabtay Xubinimada 2011-kii, wixii ka dambeeyay
Ajendaha Shirka, Madaxda Caalamiga ah ee tagi doono, dalalka muransan iyo arrimaha laga yaabo in ay ka soo baxaan, Kala soco, Goobjoog News.
Goobjoog News