Goobjoog

C/weli Gaas Oo Magacaabay Wasiiru Dowle

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada ee maamulkaasi. Gaas ayaa xilkaan waxa uu u magacaabay Burhaan Cilmi Xirsi oo horey u ahaa…

C/weli Gaas Oo Magacaabay Wasiiru Dowle

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada ee maamulkaasi.

Gaas ayaa xilkaan waxa uu u magacaabay Burhaan Cilmi Xirsi oo horey u ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Degaanka, Duurjoogta & Dalxiiska ee maamulka Puntland.

Bishii October ee 2016, waxaa xilka wasiiru dowlaha madaxtooyada ee maamulka Puntland iska casilay Dr Maxamed Cabaas Macalin.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shaqsiga xilkaan u magacaabay uu ka rajeynayo inuu la yimaado howlkarnimo iyo shaqo wanaag.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments