Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ku dhinteen shil gaari.
Shil uu galay gaari ay la socdeen saraakiishan ayaa sababay iney dhintaan, waxaana shilkaasi lasoo sheegayaa sidoo kale iney ku dhaawacmeen askar Puntland.
Sadexdan sarkaal ee geeriyootay ayaa kala ah G/dhexe Maxamed Siciid Jaamuus oo ahaa la taliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta Puntland, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta ee maamulkaasi, G/dhexe Cawad C/raxmaan Guuleed Taliye xigeenkii hoggaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.





From the comments