Xildhibaan Xaawo Maxamed Aadan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegtay ineysan aragti ahaan qabin in xilligaan wax laga bedalo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxay xildhibaan Xaawo oo la hadashay Goobjoog News, ay sheegtay in waqti xasaasi ah lagu jiro, wax walbana ay ka weyn tahay danta umadda, shacabkana ay xilligaan u baahan yihiin samato bixin, dalkana ay ka jiraan abaaro iyo dhibaatooyin kale oo u baahan in horey loo sii socdo, dibna aan loo noqon.
“Qofku wuu dareemi karaa in xoogaa wax gaabis ah ay jiraan laakiin tan shaqsiga ah iyo mudnaantiisa gaarka ah inuusan fiirin ee uu fiiryo tan umadda mujtamaca Soomaaliyeed ee maanta baaba’aysa ayaa ka muhiimsan, waxaan leenahay waxyaabahan la isla dabawareegayo inaanu sharciga waafaqsaneen” ayeey tiri xildhibaan Xaawo.




From the comments