Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 15 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 kale qarax ka dhacay bar Kontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada booliska Ciraaq magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi.
Mas’uuliyiin Ciraaqiyiin ah ayaa waxay sheegeen in qof watay baabuur miineysan uu isku qarxiyay bar Kontarool oo ay ciidamada ay wax ku baaraan taasi oo ku taallo koofurta magaalada Bagdaad.
Illaa iyo hadda cidna ma sheegan qaraxaan mas’uuliyaddiisa, balse ururka Daacish ayaa dhawaad weeraro ceynkaan oo kale waxa uu ku qaadayay qaybo kala duwan oo ka tirsan waddanka Ciraaq.




From the comments