Garsoore u dhashay dalka Mareykanka oo ka soo jeeda magaalada San Diego, California ayaa Jimcihii 31, March, 2017 soo saaray xukun is afgarad ah oo $25 milayn oo dollar loogu ku xumay 4 kun oo arday oo horey u dhigan jiray jaamacadda Trump.
Sanadkii 2013 ayaa ardayd hore ee u dhiganeysay jamaacadda Trump ee saldhigeedu ahaa magaalada New York ayaa dacwad ku soo oogay jaamacadda oo ay ku eedeeyeen in si xeeladaysan lacag looga qaatay, iyadoo markii hore loo sheegay in ay taajiriin noqonayaan sida Trump oo kale, farsamooyin dhanka suuqa ah oo casiri ahna la bari doono.
Garsooraha Gnzalo Corell ayaa ogolaaday lacag xal meel dhexe ah lagu gaaray oo November sandkii 2016 loo go’aamiyay 4 kun oo arday, ardaydan ayaa helaya magdhaw 90% lacagihii kaga baxay waxbarashada jaamacadda, waana sida Chennelka CNN uu sheegay.




From the comments