Xoghaya guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ah haweyneyda lagu magacaabo Fatou Bensouda ayaa waxay sheegtay in maxkamadda dembiyada caalamiga ah ay ka walaacsantahay xadgudubyada ka dhacaya gobolka Kassai ee bartamaha waddanka Jamhuuriyadda Congo.
Xoghaya maxkamadda ayaa waxay sheegtay inay soo gaarayeen warar ku saabsan isku dhacyada dhex mara ciidamada dowladda Congo iyo maleeshiyaad ka dagaalamo gudaha waddankaas, sidoo waxaa soo gaaray wararka ku saabsan in la dilay tiro dad ah oo qaarkood ay ku jiraan dad rayid ah, quburo ka tirsan qaramada midoobay, iyo in la af duubtay dad kale lana dilay iyaga oo aan wax maxkamad ah la marsiin.
Dowladda Congo ayaa talaadadii la soo dhaafay waxa ay sheegtay in labo qof oo quburo ah oo ka tirsan qaramada midoobay in la dilay kuwaas oo ay sheegtay in labo todobaad ka hor laga af duubtay bartamaha waddanka Congo,waxaana dilkooda lagu eedeeyay maleeshiyaadka ku xoogan gobolka Kasasi.




From the comments