Rag hubeysan ayaa gelinkii hore ee maanta waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ku qafaasheen wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan Goobjoog Media Group.
Hanad xilliga la qafaalanayey waxa uu kusoo socday xarunta dhexe ee Goobjoog, si uu howl maalmeedkiisa u guto.
Marwada wariye Hanad Cali Guuleed, ayaa inoo xaqiijisay in habeenkii xalay ahaa oo dhan Taleefan laga soo wacayay walibana loo hanjabayey arrimo la xiriira howlo Bini’aadannim oo maalmaha wadey, balse lama oga cidda u hanjabtay Mr. Guuleed.




From the comments