Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconaya diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug, kadib markii guddiga doorashada uu maalintii shalay ahayd soo saaray jadwalka doorasho.
Sida ku cad jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug, 1-dii bishan illaa 5-ta bishan April waxaa socon doonta diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilkaasi.
6-da bishan waxaa la qaban doonaa doodda musharraxiinta madaxweyne ee Galmudg, iyadoo ugu dambeyn 10-ka bishan ay magaalada Cadaado ka dhici doonto doorashada.




From the comments