Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay faarujiyeen deegaankaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysay.
Ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab, watana gaadiidka dagaalka ayaa gudaha magaaladaasi galay, waxaana ay fariisimo ka sameysteen dhowr meel sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay.




From the comments