Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo Kalfadhigga Saddexaad ee baarlamaanka maamulka Jubbaland, kadib fasax ay ku jireen xildhibaannada baaarlamaankaasi.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lagu wadaa inuu furo Kalfadhigaan maadaama Dastuurka maamulkaasi uu qabo in madaxweynaha uu furo, islamarkaana xiro kalfadhiyada baarlamaanka.
Markii uu kulanka furmo kadib, xildhibaannada Jubbaland ayaa ka hadli doona arrimaha ku aadan abaaraha dalka ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.




From the comments